Xildhibaano Kamid ah Galmudug oo Fiqi ku eedeyey dagaal ka dhacay Galgaduud oo qasaaro Gaystay

fiqiwww.gedotimes.com

Xildhibaan CabdiKhadar Cadaawe Ciise oo kamid ah Xildhibaanada Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxuu ku eedeeyey Wasiirka amniga Galmudug Axmed macalin fiqi Daraawiishta uu toobabartay inay dagaal ku qaadeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku nool Deegaanka Dacdheer oo u dhaxaysa Galinsoor iyo Dhabad, dagaalkaas oo sababay qasaaro Dhimasho oo gaaraysa 11 qof.

Qoraalka Xildhibaan Khadar Cadaawe ayaa sidaan u qornaa.

Waxaan Cabareynayaa Duulanka lagu so qaaday Dadka xoola dhaqantada ah ee aan waxba galabsan Ee ku nool degaanka #dacdheer Waxaa nasiib Daro ah anagoo og in Galmudug. Dagaal kula jirto ururka argagixisada ee alshabab In hadana ciidan ku magacaban wax lagu sheegay Daraawishta Galmudug ay maalin kaste xasuuqan Dad xoolo dhaqata oo aan waxba galabsan Arintas waxay cadeyn u tahay in ciidanka Lagu shegey Darawishta Galmudug ee Waziir Ahmed Moallim Fiqi. Kadhisay #galinsoor Iyo #Cadaado Aysan aheyn ciidan mamul ee ay Yihin ciidan ka shaqeeya iska horkenka beelaha Wada Dagan Galmudug Loona sameyey Xagal Daacinta Nabad iyo la dagaalanka alshabaab.Aragtidayda Waxana aaminsanahay inay gacansaar la leeyihin Ciidamadan maalin kasta Shacabka ku soo Duulayo Ururada Argagixisada ee Dagaalka lugula Jiro. Argagixisada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.