Dhageyso:Madaxwaynaha Hirshabeele oo laga yaabo inuu tago Beledwayne

guudlaawe

Taliyihii hore ee Ciidan Nabadsugida Soomaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay saacadaha soo aaddan ay wada hadal la geli doonaan Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada qaar iyo odoyaasha dhaqanka ah sidii Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ( Guud-laawe ) oo uu tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Siyaasiyiinta qaar iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa shalay xal ka gaaray xiisadda kacsanayd ee waayadaan dambe ka taagneyd Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii loogu baaqay iney dib ugu laabtaan xeryahooda ciidamada gadoodka sameeyay ee qabsaday qeybo kamid ah magaalada beledweyne kuwaa oo haatan la sheegay in aan waxba loo raacan doonin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.