Diiwangalinta musharaxiinta aqalka sarre oo maanta ku eg iyo amniga Jowhar oo la adkeeyey

hirshabeele

Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ka wada diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa inay kamid noqdaan xilfhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ka soo galaya Hirshabeelle.

Ciidanka Booliiska ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Sida ku xusan Jadwalka Doorashada Xubnaha Aqalka sare, ayaa loo asteeyay beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 12,September 2021, in Musharaxiinta ay hadaladooda u jeediyaan Xildhibaanada Hirshabeelle,waxii intaa ka danbeeyana waxaa la guda galidoonaa Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.