Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda dedaallo dhexdhexaadin ah oo la isugu soo dhaweynayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed ,Galmudug, Hirshabeele iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wada sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhex jira madaxda dalka, ilaa hadda ma cadda natiijada ay ka gaareen dhexdhexaadinta ay wadaan.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.
Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax
Waxaa hadal heyn xooggan ka dhalatay go’aankii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xilka uga qaaday Wasiirkii Amniga Gudaha, jagadaas oo uu u magacaabay siyaasi kale oo ka tirsan ururuka damjadiid.
Xassan Xundubeey Jimcaale oo xilkaas hayay waxaa lagu baddalay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo loo dhaariyay xafiiska.
Balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku magacaabay wasiirka cusub. Sidoo kale Xasan Xundubeey ayaa ku adkeystay inuu wali yahay wasiirka Amniga Gudaha.
Xaalada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa ah mid aan daganayn waxaa qasaaya dalal shisheeye oo ugu horayso kenya iyo imaaradka.
Rooble somali dooni mayso
Waxaan nacanay maalinkii
Uu uhuro huraale kastumada
Uxiray oo hadana asagoo
Calankii Somalia huwan uu
Restaurants kukuyo
Ladahay booqaday waxaas
Miyaa hogaan qabankaro
Tankale kenya dadkii aqonta
Lahaa ee somali ayay mid mid
Udalaysaa dadkan somalidu
May kaguuran islii Kenya waa
Nuber one cadowga somalia
Uhuro miyaan iska calinwaynay