Rooble oo ku adkaystay in damjadiid wasiirkooda la badalin iyo fashil ku yimid shirkii

farmaajo

Wadahadalkii waqtiga badan qaatay ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo idlaaday Natiijo la’aan.

Dhowr shuruud oo uu watay rooble ayaa adkaatay in laga gudbo waxaana kamid ah magacaabista Agaasimaha NISA, wasiirka ka tirsan damjadiid & qodobo kale.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Galmudug oo sabab u ah isu keenidda Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa markale isku dayay in ay is hor fadhiisiyaan Farmaajo iyo Rooble si looga gudbo caqabadaha taagan.

Sida aan wararka ku helayno waxaa laga yaabaa in mar kale laysugu soo noqdo wadahadal si loo dhameeyo khilaafka doo kala dhex galay madaxda sarre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.