Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, islamarkaana hadda Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilaabaana ay ilaalin doonaan qoondada.
Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’antahay in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.
Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna hadda waddaan dadaallo ay maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada Haweenka Soomaaliyeed.
Leave a Reply