Shir u dhaxeeyay gudoomiyaha Doorashada dalka iyo Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay ku qabsoomay qadka Zoomka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka dalka.
Maxamed Xasan Cirro, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal oo shirka ka qayb galay ayaa warbixin ku saabsan waxyaabihii u suuragalay siiyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran
Guddiga doorashada ayaa dhowr jeer oo hore ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada inay soo gudbiyaan musharraxiinta kuraasta harsan ee Aqalka Sare iyo dardargalinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.
Leave a Reply