Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaare Maxamed xuseen Rooble weli waxaa laga dhex wadaa waanwaan la doonayo in xal looga gaaro khilaafka adag ee u dhexeeya.
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Rooble ayaa wada hadal albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya , illaa dhowr goor, sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhow, balse wax natiija ah oo wanaagsan kama aysan soo bixin lakiin waxaa jira qodobo xal laga gaaray.
Booqashadii Rooble Magaalada mombasa ee dalka kenya ku tagay
Khilaafka labada masuul ayaa soo bilowday markii Rooble uu booqashada ku tagay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Laakiin Ra’iisalwasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed xuseen Rooble ayaa xilligaas beeniyay in uu khilaaf u dhexeeyo isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.
Ra’iisalwsaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya ee awoodiisa la dhimay ayaa waxaa uu dhaqaalo ka qaatay xubno ka tirsan damjadiid oo uu kamid yahay 30 Jir 30 Milyan Haysta Cabdullaahi Maxamed Nuur waana sababta wasiirka amniga ugu magacaabay sidaasna waxaa xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan Ururka Damjadiid ee hogaamiyaha u yahay Madaxwaynihii hore Soomaaliya Xasan sheekh.
Dhanka kale kenya ayaa Rooble kula heshiisay inuu ka shaqeeyo sidii Qaadka kenya loo fasaxi lahaa iyadoo lagu marmarsiyoonayo waxaa laysu furaya Ganacsiga labada dal.
Rooble waa adag tahay inuu aqbalo in wasiirada Soomaaliya laga Reebo Cabdullaahi Maxamed Nuur waxuuna rabaa inuu helo wasaaradaha soomaaliya kuwa ugu mahiimsan.
Leave a Reply