Guddomiyaha Amniga Gobolka banaadir oo ka hadlay wadahadaladii Farmaajo iyo Rooble

caliyare

Wadahadaladii u dhaxeeyey Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisalwasaraaha Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waanwaantii xalay laga dhexwaday xal laga gaari waayey, kadib markii Rooble dalbaday inuu soo magacaabo taliyaha Nabadsugida Soomaalliya.

Sida ku cad dastuurka Soomaaliya Taliyaasha Ciidamada waxaa kaliya oo soo magacaabi kara Madaxwaynaha Soomaaliya mana jiro cid kale oo xaq u leh magacaabista Taliyaasha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Amniga Ee Gobolka Banaadir Cali Yare oo bartiisa facebooga qoraal kusoo qoray ayuu kaga hadlay wada hadaladii lagu dhex dhexaadinaayey Madxada dalka waxuu sheegay sidaan.

“” Innaga dhankeenna waxaan garwaaqsannahay in ay masuuliyad Ummadeed na saarantahay, uma damaashaadi karno guulna uma aragno inaan xal la gaarin, waxaannu guul u aragnaa innaga oo heshiinna, wixii tabasho ah la iska daweeyo, danta gaarka ah dib loo dhigto, la horumariyo danta guud, la ixtiraamo Madaxda dhexdhexaadinta oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug, gacmaha la is qabsado muddada hartay ,dabadeedna sida degdeg doorashada loo galo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.