Shirkii Wasiirada Galmudug oo Qodobo laga soo saaray iyadoo maqan yihiin Wasiiradii Amniga iyo Gudaha

wayeel

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug, kaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaan shirkaas uu dhacay iyadoo Maamulka Galmudug uusan lahayn Wasiirada ugu mahiimsan ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Wasiirkii hore Amniga ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa shalay iscasilay halka wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi wayeel uu madaxwayne kuxigeenka Galmudug xilka ka qaaday taas oo uu ka horyimid.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen
• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.