Sawiro:Laftagareen oo kulan la qaatay Gudiga Gargaarka Dadkii Laascaano laga soo Musaafuriyey

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee gargaarka dadkii laga soo  musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.

Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo Socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ay tilmaameen Guddiga in  ay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida Dib udejin ugu samayeen  Dadkii Dalbaday in Puntland  ay ku sii shaqaystaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Guddiga isagoo amaanay Dadaalkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.