Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar dalxiis ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada maamulka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha , Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
Leave a Reply