Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Maamulka Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha WasiiradaMaamulka Jubaland.
Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha maamulka Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia Seychelles.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Maamulka Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah.
Leave a Reply