Sawiro:Odoyaasha Cadaado oo Geel ugu deeqay ciidamadii shaakir ka saaray Guriceel

shiiqshaakir

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada reer Cadaado ayaa deeq xoolo nool ah oo ay ugu talagaleen Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb galay howlgalkii dhowaan ka dhacay Guriceel ku wareejiyay Duqa Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qoroow oo ay u wakiisheen in uu ka gaarsiiyo Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu dhiiri galiyaan Askarta.

Xoolahan oo ka kooban 9-neef oo geel ah ayaa qayb ka ah sida odayaashu sheegeen dhowr iyo toban halaad oo geel ah, kuwaa oo waxgaradku ugu talagaley in lagu dhiirigeliyo Ciidamada Qalabka sida,

Dhiirigalintan waxgaradka ayay ku micneeyeen in ay tahay abaal marin ka timid bulshada reer Cadaado oo ay Ciidamada kaga mahadcelinayaan howlgalka dib loogu soo celiyay gacanta dowladda magaalada Guriceel, isla markaana ay dhiirigelinayaan firfircoonida ka muuqata howsha ay har iyo habeenba u taagan yihiin ee sugida ammaanka.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qoroow, ayaa dhiirigalinta waxgaradka reer Cadaado ku tilmaamay mid ku sii dardar gelin doonta Ciidamada gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta amniga shacabka, isagoo si gaar ah kaga dalbadey in waxgaradka beelaha kale looga fadhiyo in ay iyana keenaan taakulo tan la mid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.