Gudoomiyaha Kismaayo ee laga soo Xawilay Puntland oo Xilka la wareegay

kismaayo

Gudoomiyaha cusub ee Degmadda Kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumar Faraweyne) ee Laga keenay Deegaanada Puntland ayaa munaasabad maanta ka dhacday magaalada Kismaayo si buuxda kula wareegay xilka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo oo uu dhawaan u soo magacabay Axmed Madoobe.

Munaasabada waxaa goobjoog ahaa wasiiradda wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Maaliyadda, Hawlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Wasiiru-dowlaha Arimaha Gudaha, sidoo kale waxaa munaasabada ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.