Qoorqoor Abaal marin Siiyey sarkaal hub kala soo goostay Xerta Sheekh Shaakir

qoorqoor

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa caawa cafis u fidiyay Dhamme: Nuurdeeq Cali Cabdi Faarax oo ka tirsan Saraakiisha Nabadsugida Soomaaliya balse Ahlusunna la dagaalgaley.

Nuurdeeq ayaa xalay kala soo goostay Kooxda Ahlusunnada hubeysan ee uu ka tirsanaa qori dhashiike ah, waxaana Madaxwaynaha Galmudug sarkaalkan uu ku amaaney go’aanka uu qaatey. isagoo goobta ka amrey in sarkaalkan loo fasaxo musharkiisa, isla markaana lagu wareejiyay qorigii uu la soo goostay oo ay dowladda Federaalku ku abaal marisay in uu milkiyadiisa yeesho qorigaasi, isagoo xor u ah lahaanshihiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u balan qaaday in qof kasta oo Ahlusunna kala soo goosta hub loo fidiyo cafis, isla markaana loo daayo milkiyadda qoriga uu lasoo goosto nuucow doonaba ha ahaadee.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.