Hogaamiyaha Puntland oo isbedel ku sameeyey qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada

deni

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka ciidamada maamulkaas, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga go’leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal, sidoo kale S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayuu Madaxweynuhu u magacaabay hoggaanka dembi baarista booliska Puntland ee CID-da, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Dikreetadaan ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.