Sawiro:Guudlaawe oo la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobay

guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) ayaa maanta hooygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Madaxweyna Cali Guudlaawe iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Afrika, ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargalinta doorashooyinka dalka, xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, Amniga, mashaariicda horumarineed, dhibaatooyinka fatahaadaha ee soo noqnoqday iyo abaaraha.

Kaaliyaha Xoghayaha guud ee QM arrimaha Afrika ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii daaha furneed ee aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.