Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo dadweynaha magaalada Garoowe.
U jeedka safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulamo siyaasadeed uu la yeelan doono dhiggiisa Puntalnd Siciid Cabdulaahi Deni, waxaana inta uu Garoowe ku sugan yahay ay ka wada hadli doonaan arrimo ku aaddan doorashooyinka dalka.
Leave a Reply