Dhageyso:Lataliyaha Rooble oo sheegay inaan wadahadal lala geli doonin Ahlu-Sunna

acdaala

Lataliyaha Ra’iisalwasaare Rooble ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan Dhuusamareeb u tegin inuu wadahadal la galo Ahlu-Sunna, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu cadyahay mowqofkiisa.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa tilmaamay in socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay la xiriirto sidii uu u kuurgeli lahaa xaaladda ka jirta Galmudug iyo wadatashi ku saabsan xaaladda Dalka iyo dardargalinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Cadaala ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu sidoo kale Madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha Ammaanka, maadaama uu dalku ku guda jira marxalad doorasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.