Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada Qalabka Sida ee ku yaala magaalada Dhusamareeb.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ciidanka iyo saraakiisha sida ay markasta diyaarka ugu yihiin gudashada waajibaadkooda ee difaaca dadka iyo dalka.
Sidokale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Ciidamada ku boorriyay in ay sii labo jibbaaraan howsha adag ee ay Qaranka u hayaan, madaama ay yahiin mid kamid ah cududa u xilsaaray difaaca nabad galyada Dalka.
Leave a Reply