Akhriso:Maraykanka UK iyo Norway oo Joojiyey Bixinta Dhaqaalihii Doorashada Soomaaliya

ukusanorway

Beesha Caalamka ee Soomaaliya dhaqaalaha siiya ayaa shuruud adag ku xiray dhaqaalaha ay Soomaaliya ku kabto, gaar ahaan dhaqaalaha loo qorsheyay doorashooyinka ee horay ay Beesha Caalamku u ballan qaadday in Soomaaliya ay siin doonto, si loogu qabto doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraalo ay u direen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada FEIT iyo SEIT ayaa waxay shuruud ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen, waxaana ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed, isla markaana lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.