Guddigii dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee baarista ku waday Kiiskii Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa soo saaray Natiijo horu-dhac u ah baaritaankii ay ku sameeyeen kiiskii loo xil saaray.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Generaal Cabdullahi Buulle Kameey oo akhriyay natiijada horudhaca ah ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay baaritaan ku sameeyeen, isagoo sheegay in si gaar ah ay baaritaanno kaga sameeyeen dhinacyadii lagu tabayay in kiiska ay ku lugleeyihiin.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Generaal Cabdullahi Buulle Kameey ayaa sheegay inay wax caddeyn ah ay ku waayeen hoggaanka NISA oo lagu tuhunsanaa in ay ka dambeeyeen dilka Ikraan.
Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in Guddigu ay codsanayaan in cid waliba oo kiiska ikraan tahliil faarax wax caddeymo ah ka haysa ay guddiga la wadaagto,si uu ugu fududaado baaritaankoodo.
Leave a Reply