Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ahna La taliyaha Ra’iisalwasaare Rooble ayaa waxuu ka hadlay eedeymo loo jeediyey Ra’iisalwasaare Rooble kuwaas oo la xariira Kiiska Ikraam tahaliil.
Qoraal bartiisa facebook soo dhigay oo ku difaacayey Ra’iisalwasaare Rooble ayaa sidaan u qornayd.
Waxaan arkay shaqsiyaad baraha bulshada ku weeraraya Raysalwasaare Maxed Xuseen Rooble Kuwaas oo isku dayaya in duruufo iyaga ugaar ah ay ku jahawareeriyaan bulshada Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsanyihiin doorka uu Raysalwasaaruhu ka qaatay badbaadinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu dhabar adaygay xaaladihii murugsanaa ee sanadkii ugu danbeeyay dalku wajahay.
Balse waa nasiib-darro in dadka qaar isku dayaan in ay dedaalka Raysalwasaaraha u isticmaalaan hub ay ku weeraraan dad kale haddii ay taasi awoodiwaayaanna isku dayaan in ay suurad xumeeyaan Raysalwasaaraha.
Dalku doorasho ayuu ku jiraa qofkastana calafkiisa ayuu qaadayaa, balse cidna kuma haboona in ay maslaxadeeda gaarka ah ku cabirto danaha guud ee Qaranka.
Leave a Reply