BISHII OKTOOBER 1899 ayaa waxaa laogaaday in garaadku kacodsaday boqor cusmaan inuu joojiyo taageerada uu siinayo wadaadka, kadibna markii xal looheli waayay garaadka waxaa goaan lagu gaaray in garaadka ladilo, waxaana loodiray dad xigto uah, weyna dileen garaadka isagoo warmaqabe ah, taasi markey dhacday dadkii waxaa gashay dhiilo colaadeed, markaasaa sayidka iyo dariiqadiisii kaqaxeen nugaal waxeyna uqaxeen cari ogaadeen, waxeyna saldhigteen haradigeed oo ah bartamaha degmada maxamed subeyr, sifiican waa loosoo dhaweeyay sayidka , dadkiina waa heshiisiiyay, aadna waa looraacay sayidka, dadkiina wuxuu ugu dhawaaqay in gaalo lala jihaado, wixii fardo iyo hub lahayana daraawiish lookeeno.
INGIRIISKII ayaa lasoo hadlay xabashi kana codsaday wadaadkaa falaagada ah oo Dagan haradigeed ciidamo loodiro, deeto xabashi waxey harar kasoo direen ciidan, ciidankaasna waxey dhac iyo dil kafuliyeen degmooyin baadiyaha ah ee udhow dhagax buur iyo hareerihiisa, xoolihii ay dhaceena waxey isugu geeyeen jigjiga, sayidku markuu maqlay arintaa wuxuu isku dumay ciidan.
5/3/1900 ayaa daraawiish iyo xabashidu dagaal kudhaxmaray ceelka jigjiga, waana leysku riiqmay, xabashi waxaa laga laayay in kabadan 230 qofood, daraawiishna waxaa kadhintay 170 qofood, dagaalkaa daraawiish waxey kusoo furatay xoolo badan iyo hub, waxeyna daraawiish kusoo noqdeen xaruuntoodii,
Sayidku waraaqo buu udiray degmooyinkii deganaa koonfurta Bari ee hargeysa isagoo uga digaya gumeysiga iyo tabihiisa caruurta kugaaleysiinaya.
DAGAALKII jigjiga markuu dhacey ayaa boqor mililig talo usoo jeediyay ingiriiska oo wuxuu yiri in dowlada xabashida iyo dowlada ingiriisku wadajir col uqalqaaliyaan si wadajir loola dagaalamo nimanka falaagada ah ee wadaadka waalan wato inteyan dunida qaribin.
SHIRQOOLKII GURDUMI, AMA KALAKICII GURDUMI
Niman magac kulahaa degaanka haradigeed iyo nawaaxigeeda oo markaa saydka iyo daraawiish daganeyd, nimankaa oo udhashay ogaadeen maxamed subeyr ayaa qoonsaday sayidka iyo daraawiishtiisii, waxeyna goaan hoose kugaareen iney dilaan sayidka si gaadmo ah, ragga goaankaa gaaray waxaa kamid ahaa XASAN BIDE MAXAMED KHALAF, AXMED XASAN YUUSUF, IYO MAXAMED XASAN GEEDI, waxaase ugu dhib badnaa nin laoran jiray SHIRE DHABAR JILIC oo markii dambe ladilay, raggii waxey si hoose u uruursadeen ciidan xoogan, waxeyna sayidka iyo daraawiish kubalamiyeen BALIGA LAYIRAAHDO GURDUMI siay si gaadmo ah ugu dilaan sayidka, balse markii leysugu yimid baligii gurdumi ayaa waxaa kafashilmay shirqoolkii dilka ahaa, deeto waxaa lookala saftay laba saf , dagaal lagu hoobteyna meeshii wuu kadhacey, waxaana goobtii uharay sayidka iyo daraawiishtiisii daacada uahaa
SHIRQOOLKII GURDUMI markuu fashilmay ayaa ninkamid ah raggii ugu magac dheeraa aaggaas oo laoran jiray XUSEEN XIRSI ILJEEX ugalay axmaaradii wuxuuna kusoo hogaamiyay daraawiish, daraawiish intuunan colkaa soogaarin ayay kaguurtay haradigeed iyo caro ogaadeen, waxeyna kunoqdeen NUGAAL, waxeyna dageen BADHAN oo ah xaruuntii labaxday FADHIWEYN.
DARAAWIISH badhan markey dageen ingiriidskii ayaa col soodumey, waxeyna soo fadhiisteen baliga lamagac baxay AFBAKEELE oo magaalada laascaanood oo waagaa jirin hilaadii 60 meyl galbeed kaxiga
1901 ingiriisku col sadax madax ah soo saaray, colkaas oo kakoobnaa cadaan tiro yar, hindida banjaabka layiraahdo, suudaan, sawaaxili, iyo soomaali, dadyowgaas waxey ahaayeen dadkii ingiriisku wadamadooda gumeysan jiray.
3-3-1901 goor barqo ah ayaa dagaal fooda leyskudaray baliga haradhiig oo waagaa looyaqiinay AFBAKEYLE, saacado yar gudahood daraawiish waxey gudaha ugaleen saldhigii cadowga, goobtaas waa leysku riiqmay, daraawiish baana guushu raacday.
Meesha labaad ee daraawiish iyo ingiriis isku heleen wuxuu ahaa FARDHADIN, waxeyna dhacdaa hawdka garoowe iyo laascaanood udhaxeeya, waa meel doox ah oo buuraha hawdka dhaxdooda ah, waxey leedahay afar dul, gees waliba waxaa kaxiga bookh banaan oo laga galo , ama laga baxo., daraawiish wey kawarqabeen inuu ingiriisku duulaan sooyahay.
16-7-1901 ayaa colkii ingiriisku goor arooryo ah meeshii daraawiish xaruunta uahayd soo weerareen, dagaal adag oo ilaa gacmaha leysula tagay baa kadhacay, aadna leysugu riiqmay, libintiina daraawiish bey raacday, goobtiina iyagaa uharay, saanad iyo maal waxey wateen colkii ingiriiskana waalaga furtay.
DAGAALKII FARDHADIN MARKUU DHACAY ingiriisku ciidamadiisii wuxuu ku uruurshay nugaal isagoo kafiirsanayo talaabaduu qaadi lahaa.
BEERDHIGA waa meeshii sadaxaad ee ay kudagaalameen ingiriiskii iyo daraawiish, waxeyna dhacdaa meel layiraahdo XODOYO oo gaalkacyo kaxigta waqooyi, unajirta hilaadii todobaatan meyl., ciidan kakooban sadaxkun shanboqol afartan iyo sagaal qofood ayuu ingiriisku dulaanka kusoo galay, 6/10/1901 ayaa dagaal jilibka leysu aastay baliga layiraahdo XODOYO iyadoo amintu arooryo tahay, dagaalkaas wuxuu socday tan iyo habeenkii qeybtiisii dambe , guushiina daraawiish bey raacday, rag badana waa laga laayay, hub iyo maal wuxuu ingiriisku wateyna waa laga furtay.
DAGAALKAA MARKII LAGU JABIYAY GAALADII IYO INTII LASOCOTAY ayaa dhulkii soomaalidu daganeyd aad looga farxay, daraawiishna loosoo raray awr ay kuraran tahay dhar, cuno, qoryo, dahab loogu bogaadinayo guushii ay kagaareen dagaalkaas iyo kuwii kahoreeyay, safaradaa daraawiish tagtay waxaa kamid ahaa afartan rati oo banaadiiq, rasaas, dhar, iyo alaab kale sida, kana timid boqor cusmaan., safaradii kayimid reer boqor haddey xaruuntii daraawiish joogeen dhowr bilood, aadna loo xurmeeyay, sayidku wuxuu soo jeediyay inuu reer boqor laxidido oo lasiiyo QAALI BOQOR CUSMAAN taana wuxuu ulajeeday in leys xushmeeyo , waana lasiiyay qaali boqor cusmaan, sayidku wuxuu gabaati ubixiyay laba boqol todobaatan iyo todobo halaad, halkaasna waxaa kadhacay heshiis xididnimo , iyo mid tolnimo oo is huwan.
DAGAALKII AFARAAD WUXUU AHAA CAGAARWEYNE 16/4/1903 goor aroornimo ah ayay daraawiishi ingiriiskii soodul fadhiisatay, markuu waagu dilaacay ayay afar geesood kaga qaadeen duulaan, muddo yar kadibna daraawiish rasaastii waa joojisay oo tooreydoodii ayay gacanta ulatageen cadowdii , abaarihii shan saac subaxnimo ayaa qeybtii labaad ee ciidankii daraawiish soo galeen dagaalka wuxuuna socday waqti badan, waxaa lawariyay ciidankii ingiriiska ee dagaalkaas galay ay lix nin uun kanabad tagtay , daraawiish hub iyo maal wuxuu cadowgu watey gacantey kudhigeen.
DAGAALKII SHANAAD WAA DORAATOOLE oo ah Bali kamid ah baliyada haro xagaateey, haro doolood, 19/4/1903 ayuu colkii ingiriisku baligii danood tagay, halkaas buuna kasameystay xero uu daraawiish kaweeraro, daraawiishna colkaas tiradiisa iyo agabkiisa wey kawarhayeen, markey milicdu kululaatay oo cadowgu haraaday ayay daraawiish afarta geesood dagaal kaga ekeysiisay cadowgii , duhurkii dabadiisii markey ahayd ayaa colkii ingiriisku baqday oo jabay.
Dagaalkaa markuu dhamaaday ayaa sayidka waraaq udiray ingiriiska oo kuyiri kabaxa dalkeena ama dagaal joogta ah udiyaar ahaada.
25/7/1903 sayidku waraaq buu udiray talyaanigii fadhiyay xamar isagoo ugawaramayo jabka iyo halaaga kudhacay ingiriiska, ugana digayo in talyaanigu kudhacdo midaa ookale.
SAYIDKU markuu qiimeeyayxaaladii degaankuu yiilay wuxuu waraaq uqoray boqor cusmaan, ergana wuu usii dhiibay waraaqdii, dhowr todobaad kadib ayay ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii xaanshi kasida oo uu kuleeyahay xagga iyo bari usoo guura, sadax arimoodna ugusoo guura oo kala ah: —
Lasoco qeybta sadaxaad hadduu allaah idmo.
Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.
Email address: abuhamaam@hotmail.com
Leave a Reply