Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb gali doona munaasabadda sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), isla markaana la qaadan donna Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kulamo lagu dardargelinayo hannaanka doorashooyinka.
Leave a Reply