Munaasabadan oo lagu furayay howlo dib looga dhisayo wadada shaqaalaha oo aad u burbursan muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo ay ka qeyb qaadanayaan maamulka degmada Hodon iyo shacabka ku nool degmada ayaa lagu qabtay wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho
Cabdi Cilmi Guuleed oo ka mid ah aqoonyahanada degmada Hodon oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ka qeybqaadan doonaan howlaha dib loogu dayactirayo wadada shaqaalaha ee tegta isgoyska KPP.
Guddoomiyaha degmada Hodon Axmed Salaad Ibraahim ayaa ka warbixiyay howlahan dib looga dayactirayo wadada shaqaalaha, wuxuuna ugu baaqay bulshada ku nool degmada ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska.
Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka mid ah golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qeybha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dayactirka wadada shaqaalaha.
wadooyin dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa dib u dhis lagu sameeyay kaDdib markii ay iska kaashadeen bulshada Soomaalieed iyo maamulada degmooyinka, kuwaasoo magaakada Muqdisho ku soo kordhiyay isbedel dhinaca bilicda ah.
Leave a Reply