Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Senator Xasan Xuseen Xaaji ayaa amray in Baaritaan lagu sameeyo Muuqaal dhawaan uu baahiyay Taliyaha Ciidamada Badda, kaasi oo ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si sharci daro ah ku dhisanayo dhulka Ciidanka Bada soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa si gaar ah u amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneral Odowaa Yuusuf Raage inuu baaritaan deg dega sameeyo Talaabana ka qaado waafaqsan sharuucda dalka.
Leave a Reply