Waxaa caawa Hotel ku yaala magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib markii heshiis laga gaari Waayey kulamadii hore.
Golaha Wadatashiga Qaranka ee arimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa Shirka uga hadlaya dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, amniga iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.
Qodobka ugu adeg ay Golaha Wadatashiga dood ka yeelanayaan ayaa ah Arrinta amniga oo uu doonayo Ra’iisul Wasaare Rooble in lagu wareejiyo mas’uuliyada amniga guud ee dalka, isla markaana ay ku taageersan yihiin Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Leave a Reply