Madaxweynaha Dawlad Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaas oo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.
Leave a Reply