Guddiga doorashada Maamul Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in Guddiga uu qabanayo doorashada 8 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya kuraasta ay bilaabaneysaa 12-ka bishaan Febraayo 2022.
Sadex kamid ah Kuraasta Galmudug Shaacisay ayaa loo xiray qoondada haweenka, kuwaasi oo kala ah HOP048, HOP053 iyo kursiga HOP081, waxaana kuraastaas ku tartamaya oo dumar kaliya.
Leave a Reply