Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay inay muhiim tahay in tabashada jirta la xaliyo oo lagu dhammeeyo wax kasta wada-hadal ah, walaalnimo iyo mid shaqsiyadeed intba, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aysan jirin wax ka muhiimsan wada-hadallada.
Leave a Reply