Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta masiiboyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 20 Kaartoon oo kamida ah deeqdii Imaraadku keeneen Soomaaliya oo loogu talagaley qoysaska Abaaruha saameeyeen ee ku sugan Galmudug ayaa la gaarsiisay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru-Dowlaha tamarta iyo biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah guddiga gurmadka Abaaraha dalka ayaa ku wareejisay deeqdan Wasaaradda Gargaarka Galmudug . Wasiirka Gargaarka Galmudug oo la wareegay deeqdan ayaa isna ku wareejiyay maamulka dhuusamareeb oo uu wakiil u ahaa Agaasimaha arrimaha bulshada Mudane Yaxye Maxamed Daahir.
Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug Faadumo Faandhe oo qeyb ka aheyd Mas’uuliyiinta goobjooga ka aheyd la wareegida Gargaarkan ka yimid Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalmadani aysan ku filney dadka reer Galmudug.
Leave a Reply