Ismaaciil Geele iyo Madaxwaynaha Ismaamulka Somaliland oo Jabuuti ku kulmay

muuse

Madaxweynaha ismaamulka Somaliland Mudane Musse Bixi Cabdi Oo Safar Shaqo Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley.

Madaxweyne Biixi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dhinaca Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.