Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa laga reebay tartanka doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka oo doorashadiisa ka dhacayso Galmudug.
Doorashada kursiga HOP069 Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Gaalkacyo ka dhacdo maalinta berri oo Axad ah, waxaana kursigaas kusoo baxaya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa kadib markii waxgaradka iska leh kursiga HOP069 ay sheegeen inay kursigaan u xireen Xildhibaan Odawaa oo horay ugu fadhiyey kursigaan.
Leave a Reply