Rooble oo Kulan Looga Hadlaayo Abaaraha La qaatay Beesha Caaalamka

rooble

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Gudidda gurmadka Abaaraha ayaa kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka iyagoo kala shiray xaaladda abaaraha dalka oo maraysa meel khatar ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, isagoo u mahad celiyey dalalka ilaa hadda kaalmada soo gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed.

” Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hey’addaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaa ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed” Sidaas darteed waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka digay in abaartu sababi karto macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adkaan doonto in wax laga qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.