Galmudug oo Noqotay Maamul goboleedkii Labaad ee Soo Gabagabeeya Doorashada Aqalka Hoose ee Soomaaliya

Galmudug

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa  galabta soo gebagebeysay doorashada labada gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaannada la doortay, isagoona u rajeeyay inay ka soo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ballan qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta Maamulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.