Jubbaland ayaa maanta soo gebo-gebeysay doorashada 35 kursi ee taalay Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa bilawday doorashada xildhibaanada labada aqal 29 July 2021, waxaana ay maanta oo ay taariikhdu tahay 21 Maarso 2022 soo afmeertay kuraastii ugu dambeysay ee deegaan doorashadoodu ahayd Kismaayo.
Maamulka Jubbaland ayaa waxaa wali u dhiman 16 kursi oo taala deegaan doorashada labaad Jubbaland ee Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo.
Leave a Reply