XILDHIMAANOW CODKAAGA MEEL DALKU EEDO HA DHIGIN.!!!
Maalmo yar ka dib waxaa la hawl-galinayaa barlamaanka 11aad ee fedaraal Somaaliya labadiisa Gole oo si-laga-fiican yahay ku soo baxay.
Dorashadaan waxaa lugaha iyo gacmahaba kula jiray Dawlado shisheeya ah oo dano kala duwan ka lahaa, Waxayna qorshahooda u soo dhiibayeen Siyasiyiin Soomaaliyiin ah oo ILAAHAY AMARKIIS,` aan ku baraarugsanayn khatarta ay leedahay siyaasadda oo la iibiyo.
Dawladahaas waxaa ka mid aha:-
- Qaar ka mid ah dawladaha quwadda weyn.
- Qaar kamid ah dawladaha dariska ah.
- Qaar ka mid ah dawladaha shidaalka leh.
- (DIINOW WAA LAGUU TASHADAY; MEESHII LA IIGU TASHANAYEY, RABI-S00 MA JOOGIN).
Markii ay arrintu Soomaalida usoo Konda-dhacdayna, waa isla ognahay fashilka dhacay iyo ceebta haraysay sharaftii dawladnimada Somaaliyeed.
Ceebtaasu waxay galaafatay: Dawlad, Duubab, Guddiyo doorasho, Erkooyinka iyo xataa
Musharaxiinta xilka doonayey.
Waxaad ogtihiin in la diiday in xisbiyo lagu tartamo oo qof iyo cod doorashadu noqoto, qasab maaha in doorashadu noqoto nooca ugu fiican, laakiin waxaa faa’iido weyn noqon lahayd in dadweynuhu si uun u codeeyaan (ogow guddigii qaran oo Dawladdii Xasan Sheikh samaysay waxay sheegeen in ay 9-12 bilood ku qaban karaan doroorasho qof iyo cod ah. Waxaa loo diiday in rabitaanka dadweynaha la afduubo, waxaana qorshahaas weeleynayey (farsamaynayey) Dawlado shisheeye ah (taasna qof kasta oo idinka mid ahu waa ogyahay).
Isku soo wada duub, saacadda leydin dhaariyo` wixii ka dambeeya waxaa xilkii qaranku ku wareegay 329-ka xildhibaan iyagaana adduun iyo aakhiraba wax laydinka weydiinayaa.
Jaalle Xildhibaan, majirto sabab nin kugu Mulkin karo, mana jirto sabab ad dalkaaga shisheeye dan-foolxun ka leh aad ugu hibeesid
Xaqiiqdii, garanmaayo cid Rabbi ka sokeysa, oo kuu hebeeysey xilkaan sharafta weyn, Isagaana mahad-naq kaa mudan. Sidoo kale, ma garan karo cid aan ahayn DALKAAGA IYO DADKAAGA oo sabab u ah inaad xilkaan sharafta badan ku naalootit. Maxaa yeelay, haddii ayna jirin loomaba haahdeen xilkaamba. Sidaas darteen wax kasta waxaa ka mudan Dalka horumarkiisa taasna waxaa keeni karo haddii la helo dawlal tayo leh.
““`
Xildhibaanka sharafta lahow, haddii Afhayeenka u hadlaya kumanyaasha dhallin yarada ah ee Dawladda aad baddasheen ka soo arrurisay xabsiyada dunida dacaladeeda ku yaal, wuxuu kugu oran lahaa (waa afhayeenkee):- Xildhibaankeygow u abaalgud Dawladdii na xasuusisay in aan ka dhalannay Qaran xuquuq-dayada difaaci kara ee noo suurto galiyey in aan farxad kula ciidno dad na jeclaa oo naga quustay.
Waxaa isla hadalkaas oo kale ku oran lahaa afhayeenka kumayaasha qof oo iyaga oo ku go’doonsan aduunka dacaladiisa (karooni dartiis) mar qura ku war-helay safiir diayrad wada oo ag-taagan .
Waxaa isla hadalkaas oo kale ku oran lahaa afhayeenka u hadlaya boqolaal qof oo tahriibayaal ah iyaga oo ku banjaray Liibiya Dawladdu u gurmatey.`
Waxaa isla hadalkaas ku oran lahaa Afhayeenka u hadlaya kuwii u dambeeyey ee dagaalka Yugraa’iin markuu dhacay, saacado kadib khabaar ay ku farxaan Dawladooda ka helay.
Intaas oo dhan waxaa shib yiri (wax ka culus sheegay), markii uu kula hadlo `afhayeenka ciidamada qalabka sida oo uu kugu dhaho:-`Jalle Xildhimaan`fadlan sifiican ii dhageeyso. Markii Dawladda maata joogtaa timid:-
- Waxaan ahayn jabhado qabiil-qabil u dirira.
- Tababar ma lahayn,
- Asluub (discipline) ma jirin.
- Niyad (moral) ma jirin.
- Mushaar ma jirin.
- Xuquuqu majirin, waajibaadna warkiisa da’aa.
Manta
- Waxaan leennahay tababarka ugu casrisan
- Waxaan leennahay niyadda ugu sarraysa,
- Asluub aad u wanaagsan,
- Mushaarku waa (electron),
- Waana bil-joogto,
- Waana saddex-jibbaar
- Waana account
- Waxaan ka midnahay ciidamada la cawryo,
- Adduunku wuxuu isku raacay in Ciidamada Soomaaliya dalkooda bad, birri iyo hawaba hanan karaan haddii lahubeeyo
- Ciidamadii yurub ee badda Soomaaliyta ilaalin jiray waa laga saaray, kuwa dhulkana bilaa u haray. Hubkiina waxuu maqan yahay inta cuna-qabataynta la qaadaayo
Haddaba sharfane , anigu waxaan diyaar u ahay inaan dalka, dadka iyo diinta qori ku difaaco. Adiguna u diyaar noqo in qalin (cod) ku difaacdid. Anigu ma gadmaayee, aduguna ha gadmin.
Inta aan hadalkooda sheegnay waa dadka nool, laakiin, Dhulka, Cirka iyo Baddu Xildhibaannada waxay ku haddaad carruurtayadii tihiin manta noo hiilliya.
Si aad u tixgalisaan codsigayaga +
Afartaan mahmaahood xasuusta markaad Santuuqa cod bixinta kor-taagantihiin:-
- Xargo geel mawada xiraan,
- Halu maalin ayey ceel joogtaa,
- Anqow isku dhufte isagaa u dhutiya.
- Tuke nasiib uu caanaha ku arko waa leeyahay laakiin nasiib uu ku dhamo ma laha`
XISBIGA
Sanooyinkaan dambe waxaa Hogaanka Dawladda kusoo badanayey dhallin-yarada, waxaana la dareemayey shacuur dhallin-yaro oo waddani-nimo higsaneysa. Taasuna waxay u baahan tahay Inay hesho xisbi ay ku midoobaan dhillinto oo weydaarsan habka qabiiliga ah. Yoolka an tooganayaa wuxuu yahay, in aan idinku guubaabiyo inaad doorataan M/W. qabiilku la yaryahay, xisbiguna la weyn yahay.
XILDHIBAAN FADLAN DANTA GUUD U HIILLLI
Su’aal:- side ugu :-hiilli?
Jawaab:- Madax weyne fiican dooro.
Su’aal:- sideeban ku ogaan kara M/W fiican?
Jawaab:- saddexdaan sife hadduu leeyahay waa M/W fiican ee`ku midid:-
- (a) Qabyaalad ma ka ajoodaa (ma ka faanaa),
- (b) Tuugo ma xishooda.
- (c) Shisheeyaha ma ku oran karaa dalka annagaa leh ee taladiisa noo dhaafa.
IS BAR-BAR DHIG
Xildhibaan:- Siyaasiyiinta dhammaandood shisheeyaa lacag la daba taagan ee seebaan midna ugu eedeeya midna ugu garaabaa?
Qoraaga:- Waa run oo waxxaa qul-qulaya lacago shisheeyuhu siyaasaddeenna ku gadanaya sida badeecada oo kale, taasoo ayaan-daro ah, laakiin waxaa aad u kala duwan ujeeddada qolo kasta ka leedahay arrintaas. Qaarkood waxay rabaa in dalkaaga iyo khayraadkiisaba goor barqaa qaataan. Qarna waxay rabaan, inay arrimahaaga gudaha faraha la galaan, haddaad maya tirahdidna ay Maamul Gobolleedya qarkood la wareegaan, sidaan hadaaba arkayno, kuwaas kuwo ka mid ah waxay rabaan inay Zuqadara oo nalkeedu u muuqdo Bosaaso Yahuudda Saldhig Millitari uga furaan.
Laakiin waxaa jira kuwo kale oo kaa araba is-xulufaysi badqaba ee aan qolana qolada kale faragalinayn. Kuwa noocaasa waa saaxiib badqaba. Waxaan dhallin yarada Xildhimaanada ah uga digayaa
In aan loo adeegsan falsafadda ah (ku qataar)!!!
MA-HARIN, MA HARIN, MA HARIN HADAL LAYS YIDHARAHDAA.
Waa Qoraa- Khalif Ashkir Diini
27/03/21.
Leave a Reply