Guudlaawe oo ku baaqay qayb qaadashada Dhismaha isbitaalka Isbitaalka Baladwayne

guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.

Madaxweynaha oo kormeerka uu ku heliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay argagixisadu la bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.