Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo uu waheliye Ugaas Cabdi Ugaas Daahir ayaa kulan qado iyo Xogwaraysi ah Layeeshay Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahannada Beesha Sade ee DDS kuna sugan magaalada Jigjiga, kuwaas oo ka kala yimid Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isla markaana oo ka soo kala jeeda Gobolada Liibaan, Qorrexeey iyo doollo.
Waxaana kulanku ahaa mid si buuxda ugu kala warqaadanayeen la iskuna faray waajibaad guud ee ka saaran deegaanada Beeshu dagto, waxaana laysla qaatay inay waajib tahay ILaalinta Nabad galyada iyo u hoggaansanka sharciga iyo awaamiirta dawliga ah oo ay ugu horreyso nabad galyada.
Waxaan sidoo kale lays faray dhamaan dhinacyadii shirka isku yimid ILaalinta Nabad kula Noolaanshaha dadka dariska ah guud ahaan Ethiopia gaar ahaan DDS dadka dagan in lagula Noolaado walaaltinimo, darisnimo middaas oo guud ahaan dan u wada ah dadka DDS iyo guud ahaan Ethiopia.
Bulsho Nabad ah ayaa hesha hormar waara, waxaana loo mahadnaqay dhamaan odayaasha, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Beesha ee shirka kasoo qayb gashay.
Leave a Reply