Madaxwayne Guudlaawe oo Bisha Ramadaan Awgeed Hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool Caalamka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay isu gargaaraan kana faaideystaan acmaasha bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u duceeyay shacabka Soomaaliyeed isagoo Ilaahay uga baryay inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadada bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda xanuunsana uu Ilaahay caafimaad deg deg ah siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.