Akhriso:Midowga Afrika oo Ka hiryimid Tallaabadii Rooble Uu Dalka Uga Eryey Fransicso Madeira

africa

War Qoraala oo Kasoo Baxay Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamat ayaa ka horyimid Go’aankii Ra’iisl Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen uu dalka uga eryey Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya Ambasador Fransicso Madeira.

Guddoomiyaha Midoowga ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo ergeyga u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira , isaga oo walaac ka muujiyay war murtiyeedkii xafiiska Ra’isulwasaaraha ee lagu sheegay in Madeira dalka looga eryay.

Guddoomiye Muuse ayaa dhanka kale bogaadiyay go’aankii madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in danjire Madeira uu dalka sii joogayo, hayana shaqo wanaagsan.

Hadalka guddoomiyaha Midowga Africa Musa Faki Maxamat ayaa ka dhigan in Madeira uu dalka sii joogayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.