Xildhibaanada labada Aqal oo shaaciyay xiliga la qabanayo doorashada Guddoonka Labada Aqal

barlaman

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay wax ka bedelka habraaca  kmg ah ee u gaarka ah doorshooyinka labada gole Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wax ka bedelka habraacan waxaa haa ku ogolaatay 190-Mudane todoba Xildhibaan ayaa diiday lixna waa ay ka aamustay.

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa sidokale ansixiyay in 27-ka Bishan la qabto doorashada Guddoonka Rasmiga ah ee Golaha Shacabka iyadoo Sidoo kale doorashada Guddoonka Golaha Aqal Sare la qaban doono 26-bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.