Daawo:Waxgaradka Gaalkacyo oo Cambaareeyey Weerarkii lagu Qaaday Wasiirka Arimaha Dibada iyo Nabadoon CabdiSamed

wasiir

Nabadoonada, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Gobolka Mudug oo kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ayaa war kasoo saaray dhacdadii lagu weeraray Beerta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ku suganaa Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya.

Maanta oo taariikhdu tahay 24/4/2022 waxaa Hotel Uunlaaye ee magaalada Gaalkacyo kusoo gabagaboobay shir ay lahaayeen beelaha dega gobolka Mudug Puntland oo looga arinsanayey dhacdooyin dhawr ah oo waayahaan danbe ka dhacayey gobolka ayna ugu danbaysay tii 21/4/2022 ka dhacday beerta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad waxaana laga soo saaray shirkaas war-murtiyeedkaan.

  1. Shirku waxuu u tacsiyaynayaa dhibbanayaashii ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay beerta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad 21/4/2022 kaasoo lala beegsaday lana doonayey in lagu waxyeelleeyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdisiciid Muuse Cali kaasoo asaga iyo qoyskiisu ay halkaa u
    tageen afur ay la lahaayeen dad qoyskooda ah.
  2. Shirku waxuu sida ugu adag u cambaaraynayaa dhacdadaas foosha xun iyo warsaxaafadeedkii guddiga amniga ee gobolka Mudug oo gogol xaar u ahaa dhacdadaas foosha xun.
  3. Shirku waxuu si degdeg ah oo aan waqti badan qaadan uga dalbanayaa dawladda Puntland in cid alllale iyo ciddii ku lug lahayd dhacdadaas foosha xun la horkeeno hay’addaha caddaaladda ee Puntland si waafaqsan xaararka dalka u yaal.
  4. Shirku waxuu soo dhaweynayaa bogaadinayaana tallaabadii wannaagsanayd ee uu qaaday kusimaha madaxweynaha ahna madexweyne ku xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan waxuuna codsanayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo shaaciyo natiijada baaritaanka.
  5. Shirku waxuu saluug ka muujinayaa habdhaqanka gurracan ee hay’adaha dawladda
    Puntland ee gobolka Mudug iyo kan degmadda Gaalkacyo waxuuna ku baaqayaa in la qabto shirar danbe oo lagaga tashanayo wixii laga yeeli lahaa
  6. Shirku waxuu amaanayaa eheladda iyo qoysaska dhibanayaashii dhacdadii ka dhacday beerta nabadoon Yaasiin sida ay u muujiyeen dulqaadka una xakameeyeen falcelin ka dhalan lahayd arrintaasi
  7. Ugu danbayntii shirku waxuu ku boorrinayaa dadweynah gobolka Mudug inay ilaalaiyaan amniga iyo xasiloonida Gobolka kana fogaadaan wax kasta oo abuuri kara falal liddi ku ah amnigga,wadajirka iyo dawladnimadda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.