Madaxwaynaha Ku meel gaarka ah ee Puntland ayaa Gudoomiye u Magacaabay Gobolka Mudug

karaash

Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.

Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.