Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka safar shaqo kaga soo ambo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa goor dhaweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo ee caasimadda gobolka Sanaag.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin guddoomiyeyaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa waxa garoonka kusoo dhaweeyey, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxda gobolka, kuwa degmada, salaadiinta, cuqaasha iyo haldoorka gobolka, kuwaas oo madaxweynaha kusoo dhaweeyeen calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan.
Leave a Reply