Safiir Tarsan ayaa isaga baxay kulan Uhuru Kenyatta uu ku casuumay Safiirka Somaliland

tarsan

Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaga baxay kulan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku casuumay Safiirrada deggan Caasimadda Nairobi, kadib markii fadhiga lagu casuumay Wakiillo ka socday Xafiiska Somaliland ee Kenya.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya ayaa lagu casuumay Kulanka Safiiradda, sababtaa ayaana keentay in safiirka Soomaaliya ee Kenya uu kulanka isaga baxo.

Dowlada Kenya ayaa marka kasta waxay ka shaqeynaysay sidii Soomaaliya kala qaybin lahaa si ay gaarto danaheeda gaarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.