Madaxwayne Xasan oo Fulinaya halkudhagiisii Ayaa Safar Qarsoodi ah ku tagay dalka Israa’iil

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa 19 bishaan Jun ku tagay Safar dalka Imaaradka Carabta.

Safarka Madaxweynaha oo lagu waday inuu labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidii uu tagay dalka Imaaradka Carabta Maalintii Axada ahayd lama arag cid uu la kulmay iyo meel jaan iyo cirib dhigay.

Qaar kamida Warbaahinta dalalka ISraa’iil iyo Imaaradka Carabta ayaa sheegaya in madaxwaynaha Soomaaliya uu Safar qarsoodi ah ku tagay dalka Israa’iil halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisalwasaaraha Israa’iil Naftali Bennett.

Safarka Madaxwayne Xasan Sheekh ku tagay dalka Israa’iil waxaa fududeeyey Amiirka dalka Imaaradka Carabta.

Mdaxwaynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhabeeyey hadal ku dhagiisii ahaa Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah.

1 Comment

  1. Bbc
    Maxishodaan waa koox
    Fahan qaldan kahaysto
    Xasan sh maxamud
    Cronavres baa ku dhacay
    Bay rabaan in aay usheegan
    Dad ayaga xaga saxafa iyo
    Siyada kaga horeeyo
    Xasan talvive sreal ayuu
    Aaday sida aan xogaha muhimka
    Ah ku hayno dowladu somalia
    Afhayeen ayay leedahay
    Muxuu usheegi wayay hogaankii
    Somalia mesha uu aaday
    Ciyaar ayay hayaan somalida

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.