Sawiro:Xasan Sheekh Kulan La qaatay Dhigiisa Imaaradka Carabta

Xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.